Doorashooyinkii Lixaad ee Heer Qaran iyo deegaan ee Itoobiya oo dhacay 2021, waxay ahaayeen horumarro muhiim ah oo lagu sii amba qaadayo furitaanka dimoqraadiyadda ee bilaabmay 2018. Nidaam cusub oo sharci ayaa keenay hannaan doorasho oo loo wada dhan yahay oo hufan, awoodna u siinaya tartan siyaasadeed oo firfircoon, in hay’ada garsoorku kaalin muhuiim ah ka qaadato geedisocodka doorashada, iyo balaadhinta madasha siyaasada oo loogu talagalay ka-qaybgalka bulshada. Doorashooyinka guud ee 2021 sidoo kale waxay ahaayeen kuwii ugu horreeyay, tan iyo 2005 ee dammaanad qaaday madax-bannaanida bulshada rayidka ah inay kormeeraan oo ay faallooyin macno leh ka bixiyaan geeddi-socodka doorashada. Iyadoo taas la raacayo, daneeyayaasha muhiimka ah ee doorashada oo ay ku jiraan xisbiyada siyaasadda, bulshada rayidka ah, iyo tan ugu muhiimsan oo ah muwaadiniinta Itoobiya waxay dejiyeen rajooyinkooda doorasho loo dhan yahay, loona qabto hab ay ku dheehanyihiin isla xisaabtan, iyo daahfurnaan ka badan kuwii hore. Iyadoo ay jireen khaladaad muuqda xiliyada doorashada ka hor, maalintii doorashada, iyo geeddi-socodkii doorashada ka dib, horumarro la taaban karo ayaa keenay aasaaska doorashooyinka mustaqbalka oo ay ku dheehan tahay is-dhexgal, daahfurnaan, iyo isla xisaabtan.

FileAction
somali cecoe final report.pdfDownload